Skip to main content

Xog muhiim ah oo loogu talo galay mas’uuliyiinta sharciga ah iyo daryeelayaasha ardaydayada

Waalidiinta, mas’uuliyiinta iyo daryeelayaasha qaaliga ah,

fadan u akhri xogta soo socota si taxaddar ku jiro si markaasi qaab wada jir ah aynu ugu wada taageeri karno in gabadhaada/wiilkaagu ama qaybtaadu u yimaado dugsiga.

Qaabka dugsigeena

Dugsigeena waxa uu uqaybsan yahay 5 dhisme oo waxbarasho: Dhismayaasha wabarasho A, B, C, D, iyo E. Tani waxay u oggolaataa macallimiinta inay taageero siiyaan ardaydeena (magacyada Dhismayaasha Waxbarasho iyo fasaladu wax shaqo ah kuma laha Qaabka Tixraaceed ee Yuruubiyaanka ah ee loogu talogalay luuqadaha).

Ardaydu waxay sida caadiga ah tagaan dugsigeena laba sanno. Sannadka koowaad, waxay dhigtaan fasallada isku dhafka ah ee xirfada ka hor, sannadka labaadna, waxay dhigtaa fasallada isku dhafka ah ee xrifadeed.

Fasallada isku dhafka ah ee xirfada ka hor (BIK/v) waxaa loo qaybin karaa sida soo socota:

  • A1 illaa A6
  • B1 illaa B6
  • C1 illaa C6
  • D1 illaa D6
  • E1 illaa E6

Fasallada isku dhafka ah ee xirfadeed (BIK) waxaa loo qaybin karaa sida soo socota:

  • A7 illaa A9
  • B7 illaa B9
  • C7 illaa C9
  • D7 illaa D9
  • E7 illaa E9

Haddii arday ubaahan yahay wakhti dheeri ah sannad dugsiyeedka ka dib si ugu qaato BIK/v, fasalka sidoo kale waa lagu celin karaa. Go’aanka waxaa gaadhaya dugsiga. Fasallada isku dhafka ah ee xirfadeed laguma celin karo.

Tikidhada tareenka

Tikidhada safarka waa laga bixiyaa ardaydayada haddii ay u jiraan in kabadan 3 kiiloomitir dugsiga. Dugsigu waxa uu inta badan xaraystaa tikidhada xilliga ugu horreeya ee ugu macquulsan wuxuunaa siiyaa ardayda sida ugu dhakhsiyaha badan kadib marka tikidhadu soo gaadhaan dugsiga.

Nasiib darradii, tani mararka qaar waxay qaadataa wakhti dheer. Haddii tikidh aanu soo gaadhin dugsiga bilawga sannad dugsiyeedka, ardayda waxay heli doonaan tikidh labo ah maalin dugsiyeedkiiba kaasoo loogu talogalay Goobta M. Sidaa awgeed, tikidhada uu qofku iskii u iibsado lacagtooda dib qofka looguma celin karo.

Waxaa mihiim ah inaanad tuurin tikidhada dhammaadka sannad dugsiyeedka, waayo muddo ayaa ay sii shaqeeyaan bilawga sannad dugsiyeedka cusub. Ardayda waxay heli doonaan xog ku saabsan muddada uu arrinku sidani yahay dhammaadka sannad dugsiyeedka.

Sidee ayay waalidiinta iyo mas’uuliyiintu ucaawin karaan?

a) Maalmaha dhiman:
Si ay si wacan wax ugu bartaan, waxaa mihiim ah in ardaydu si joogto ah u yimaadaan dugsiga. Taa waxaa dheer, ma heli doonaa kaadhadhka warbixinta haddii ay dugsiga maalmo badan ka maqnaadaan. Fadlan ka taageer inankaaga/inantaada/cunugga aad waardiyaha ka tahay arrinka iskuna day inaad ballamaha dhammaan uqabato kadib saacadaha dugsiga. Waxaad ku arki kartaa wakhtiyada casharada ee ardayda jadwalka ay ka helaan dugsiga ama ka ay ka heli karaan ablikayshanka WebUntis.

b) Fasaxa maqnaanshiyaha:
Haddii hore loo sii ogyahay inaanu arday imanayn dugsiga xaalad ugaar ah awgeed, waxaa mihiim ah inaad hore noola sii hadasho soona gudbisato codsiga fasaxa maqnaanshiyaha. Dugsiga ayaa go’aaminaya in codsigaa la ansixiyo iyo in kale.

c) Xanuun:
Hadii arday xanuusanado maalin oo aanu iman karin dugsiga, waxaa mihiim ah inaad

  • ogaysiiso dugsiga subaxda (caadi ahaan adigoo isticmaalaya ablikayshan) iyo
  • haddii illaa saddex cisho cunuggu maqnaado, waalidka/waardiyuhu qoro cudur daar waalidka ama mas’uulka sharciga ah lasoo kaxaysanayo iyo
  • haddii afar maalmood ama in kabadan uu maqnaado ama haddii layliga dugsiga la qoro maalin dugsiyeed shahaado caafimaad soo qaado.

d) Ilaalinta wakhtiga:
Si ardaygu sida ugu wacan uga faa’idaysto wakhtiga casharka, waxaa mihiim ah in ardaydu timaado wakhtiga saxda si ay uga qayb qaataan casharada. Sidaa awgeed waa inaad qorshayso wakhtiga imaanshiyaha iyo bixitaanka waxaanad xasuusnaataa in gaadiidka dadwaynuhu aanu ahayn mid markasta lagu kalsoonaan karo.

e) Goobta waxbarasho:
Waxaa mihiim ah inay ardaydu helaan goob daggan oo ay wax ku dhigtaan si ay wax umuraajacayn karaan ugana shaqayn karaan layliyada kadib dugsiga. Haddii tani aanay guriga ku macquul ahayn, fadlan sidoo kale tixgali maktabadaha degmada ama xarumaha waxbarasho ee degmada, tusaale ahaan.

f) Fursadaha waayo aragnimada shaqo:
Ujeedada mihiimka ah ee dugsigayagu waa inaanu ka taageerno ardayda udiyaargarawgooda shaqo. Sababtan awgeed, dhammaan ardaydu waa inay dhammaystiraan fursada waayo aragnimada shaqo. Waxaad taageeri kartaa inantaada/inankaaga/cunuuga aad waardiyaha utahay adigoo ka caawinaya inay helaan fursad shaqo. Fadlan hubi in shirkada bixinaysa fursada shaqo ay sidoo kale bixiso tababaro xirfadeed haddii ay suurtogal tahay. Waxaad eegi kartaa muddooyinka shaqo ee fasalladeena adigoo ka eegaya websaytkeena https://berufsintegration.musin.de ee hoos imanaysa qaybta Schulprofil/Praktika (Profile-ka dugsiga/Waayo aragnimada shaqo).

Shahaadooyinka ka qalin jabinta dugsiga

Kadib marka aad xaadirto BIK, ardaydu waxay qaadan karaan shahaadada ka qalin jabinta dugsiga dhammaadka sannad dugsiyeedka. Ardayda darajadoodu aadka ufiican yahay waxaa sidoo kale loo diiwaan galin karaa imtixaan dibadda ah oo ay ku galayaan dugsi sare si ay uqaataan shahaadada ka qalin jabinta dugsiga sare (Quali). Go’aanka diiwaangalinta waxaa gaadhaya dugsiga.

Maxaa dhacaya kadib dugsiga?

Kadib marka ardaydu dhammayso dugsiga, waxay samayn karaan laba mid

  • inay tababar carbin ah galaan ama
  • inay galaan dugsiga sare ama, haddii labada midna suurtogali waayaan
  • inay toos isooga shaqaystaan.

Dugsigu waa uu kala talin doonaa ardayda go’aankooda. Fadlan naga taageer arrinkan adiguna sidoo kale!

Haddii aad qabto wax su’aalo ah ama tabashooyin ah, waa aynu kugu soo dhawaynaynaa inaad la xidhiidhto macallinka inantaada/inankaaga/cunugga aad waardiyaha utahay si toos ah udiraya iimayl adoo ka helaya Kooxda / qaybta Macallimiinta Fasalka ee websaytkeena https://berufsintegration.musin.de. Kaliya ku dul dhufo magaca, foomka aad farriinta uga diraysaana waa kuusoo baxayaa.

Waxaanu sidoo kale jeclaan lahayn inaanu kuug soo casuuno Maalinta Waalidiinta iyo Daryeelayaasha ee Sannadka ee dugsiga ka dhacaysa wakhtiga dayrta, tanoo aad uheli doonto casuumaad gaar ah iyadoo laguusoo raacin doono xogta mihiimka ah oo dhan.

Maamulka dugsiga